Home Horyaalka Italy Real Madrid oo wadahadalo horumar leh kula jirta daafac muhiim ah si...

Real Madrid oo wadahadalo horumar leh kula jirta daafac muhiim ah si ay ugu xoojiso kooxdeeda.

0

Real Madrid ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta daafac muhiim ah si ay ugu xoojiso kooxdeeda.

Maqnaanshaha Militao iyo Dani Carvajal, ayaa kooxda galiyay xaalad halis ah, iyadoo Antonio Rüdiger uu yahay daafaca dhexe ee kaliya ee hadda la heli karo.

Inkasta oo David Alaba la filayo inuu soo laabto toddobaadyada soo socda, xaaladdiisa jireed ayaan fiicneyn maadaama muddo dheer uu dhaawac la maqnaa.

Carlo Ancelotti ayaa la socodsiiyay guddiga suuqa baahida loo qabo in la keeno ciyaartooy cusub bisha Janaayo si xilli ciyaareedka kooxda uusan hoos u dhac ugu imaan.

Codsiga tababaraha Talyaaniga waxaa si fiican u soo dhaweeyay Florentino Pérez, kaasoo ka warqaba xaalada halista ah ee kooxda, wuxuu diyaar u yahay inuu lacag dheeri ah ku bixiyo suuqa January.

Magaca ugu badan ee lagu sheegay suuqa Real Madrid waa Castello Lukeba, oo ah daafac da’yar oo Faransiis ah oo haatan u ciyaara RB Leipzig.

Sida laga soo xigtay ‘DefensaCentral’, kooxda Jarmalka ayaa diyaar u ah inay lacag ku dhow 50 milyan oo Yuuro ku fasaxdo ciyaaryahaka bisha January.

Ciyaaryahanka, oo kaliya 21 sano jir ah, wuxuu leeyahay astaamo uu kunxiran karo maaliyada kooxda Real Madrid, waxaana suurta gal ah in heshiiskiisa la dhameeyo suuqa soosocda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here