
Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid tahay seddex kooxood oo ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan weeraryahankaTottenham Hotspur Harry Kane xagaagan.
28-sano jirkaan ayaa haatan ku jira qaab ciyaareed heersare ah isagoo ka qeyb qaatay shan gool afar caawin todobadii kulan ee ugu dambeysay.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo wax ka badan labo sano ay ka harsan tahay qandaraaskiisa iyo rabitaan uu ku doonayo inuu koobab ku guuleysto, waxaa weli la isla dhexmarayaa in xiddiga heerka caalami ee dalka England uu ka tagi karo Waqooyiga London dhammaadka 2022.
Sida laga soo xigtay Fichajes , kooxaha mudada dheer xiiseeya Manchester City iyo Manchester United ayaa ku biiray Real Madrid iyagoo doonaya inay dalab ka gudbiyaan.
Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Kane loo arko bedelka haddii Los Blancos ay ku fashilanto tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland .
Intaa waxaa dheer, waxaa la sheegay in City ay diyaar u tahay inay ku qarash gareyso in ka badan €140m (£117m) Kane xagaagan, kaliya haddii aysan la soo wareegin Haaland.
Be the first to comment