Home Warka Xiisaha Leh Real Madrid oo wali ku raad-joogtaa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe...

Real Madrid oo wali ku raad-joogtaa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ugu dambayntii ay rajaynayaan in ay la saxeexan doonaan

0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxay wali ku raad-joogtaa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ugu dambayntii ay rajaynayaan in ay la saxeexan doonaan xagaaga dambe oo ay ku heli doonaan bilaash amaba lacag cayiman oo hadda ay isla sii meel-dhigi doonaan PSG iyo ciyaartoygu.

Qandaraaska Kylian Mbappe ee PSG waxa uu ku egyahay oo uu dhamaanayaa June 2023 oo ay innaga xigto wax ka yar 10 bilood, waxaanay kooxdiisu diidday inay xagaagii tegay ka iibiso Real Madrid.

Bisha January ayuu Mbappe xor u noqon doontaa inuu heshiis hordhac ah oo aan qarsoodi ahayn lasii galo Real Madrid, waxaanay taasi khasaare weyn u tahay PSG oo lumisay fursad ay lacag badan kaga samayn karayeen iibka laacibkan.

Inkasta oo xurguftii u dhaxaysay xiddiga reer France iyo PSG hoos loo dhigay oo hadda ay dhinacyada u socdaan wada-xaajoodyo heshiis kordhin ah balse la cayimayo lacagta lagu iibsan karayo, ayaa waxa la sheegay in xagaagii tegay ay Real Madrid u diyaarisay iibka laacibkan €230 milyan oo Euro, balse ay PSG diidday inay kala xaajooto.

Los Blancos ayaa waxay wali diyaar la tahay in lacagtaas ay meel u dhigto Mbappe oo ay ku kharash garayso xagaaga, haddii uu si bilaash ah ugu yimaaddana ay qayb ka mid ah isaga u siiso gunno ama xaqal-qalin.

Si kastaba ha ahaateel Real Madrid oo uu ka tegay Karim Benzema ayaa booska weerarka iyo No.9 waxay la sugaysaa Kylian Mbappe inkasta oo xagaaga dambe uu bannaanaan doono No.10 oo uu Mbappe u xidho xulka qarankiisa France.

Previous articleArsenal oo ku dhawaaqday liiska ciyaartoyda uga qeyb galaya Champions League
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah 12-ka September

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here