Real Madrid oo war kasoo saartay inay heshiis Cusub la gaareyso Raphael Varane

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ku kalsoon tahay inay heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixato Raphael Varane .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska qandaraaska uu haatan kula joogo Bernabeu wuxuu dhacayaa xagaaga 2022, waxaana jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa toddobaadyadii la soo dhaafay.

Manchester United ayaa la sheegayaa inay xiiseyneyso saxiixa daafaca dhexe, kaasoo loo maleynayo inuu u furan yahay inuu u dhaqaaqo Premier League inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Marca , wadahadalada heshiis cusub oo u dhexeeya labada dhinac ayaa si wanaagsan u socda, Los Blancos-na waxay ku kalsoon tahay inay heshiis gaari doonaan ‘dhowaan’.

27 jirkaan ayaa in ka badan 350 kulan u saftay Madrid tan iyo markii uu ka yimid Lens 2011, oo ay ku jiraan 33 kulan oo tartamada oo dhan ah intii lagu jiray ololihii 2020-21.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka wuxuu ku guuleystay seddex horyaal oo La Liga ah iyo afar jeer Champions League intii uu la joogay kooxda Zinedine Zidane .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*