Home Wararka Ciyaaraha Real Madrid oo weerar lagu soo qaadayaa, lagana doonayo mid ka...

Real Madrid oo weerar lagu soo qaadayaa, lagana doonayo mid ka mid ah xiddigaha laf-dhabarta u ah

0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa weerar lagu soo qaadayaa, waxaana laga doonayaa mid ka mid ah xiddigaha laf-dhabarta u ah oo loosoo bandhigay heshiis uu ku helayo ku dhowaad mushaharkii uu Real Madrid ka qaatay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.

Kooxaha horyaalka Sucuudiga ee lacagta daadaadinaya, ayaa waxay xidhiidh la sameeyeen kabtanka Real Madrid ee Karim Benzema oo loo sheegay in la sinayo mushahar la siman midka Cristiano Ronaldo uu ka qaato kooxda AL-Nassr oo ah €200  milyan oo Euro.

Benzema oo qandaraaskiisa Real Madrid uu ku egyahay bisha June ayaa la filayaa in uu kordhiyo sannad kale oo 12ka bilood ee soo socda ay noqdaan kuwa ugu dambeeya ee Santiago Bernabeu ay ku qadanayaan isaga, Toni Kroos iyo Luka Modric.

35 jirkan oo Real Madrid ay kala soo wareegtay Lyon sannadkii 2009, ayaa ahaa hoggaamiyaha kooxdiisa tan iyo markii uu Santigo Bernabeu ka tegay Ronaldo, waxaana uu qaatay masuuliyaddi gool-dhalinta iyo xataa in uu ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or.

Sida ay sheegtay warbaahinta ABC, xiddiga reer France ayaa waxa doonaysa koox aan magaceeda si dhab ah loo shaacin oo ka dhisan waddanka Sucuudiga oo ula diyaar ah mushaharkii ugu badnaa kubadda cagta oo uu kula sinmayo Cristano Ronaldo.

Kooxdan ayaa la sheegay in ay ku qalqaalinayso Benzema in aanu saxeexin heshiis cusub ee uu si toos ah ugu wareego xagaagan, balse laacibkan ayaa uu qorshihiisu yahay in uu hal sano oo kale sii joogo kooxda uu kabtanka iyo tiirka muhiimka ah u yahay.

Kooxaha Sucuudiga ayaa wali ku raad-jooga xiddigaha waaweyn ee ka ciyaara Yurub, waxaana ay kooxda Al Hilal doonaysaa Lionel Messi, Sergio Ramos, Sergio Busquets iyo Jordi Alba.

Previous articleDEG-DEG: Waqtiga La Samaynayo Isku-aadka Horyaalka Premier League, Xilliga Uu Bilaabmayo Iyo Waqtiga Lasoo Gabogabayn Doono Oo La Shaaciyey
Next articleMuxuu macallin Mauricio Pochettino ka beddeli karaa kooxda ay musiibadu ku dhacday ee chelsea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here