Real Madrid ayaa xaqiijisay in Vinicius Junior uu u baahan doono in uu muddo garoomada ka maqnaan doondo kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay.
Vinicius ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaartii ay axadii 3-0 kaga badiyeen Leganes, mana u muuqanin wax calaamado ah oo dhaawac ah, inkastoo warar maxalli ah ay sheegayaan in xiddiga reer Brazil uu xanuun dareemay markii uu galay qolka labiska ciyaarta kadib.
Si degdeg ah ayaa baaritaan loogu diray Isniintii, Vinicius hadda waxaa laga helay dhaawac muruqa ah. Real Madrid ayaa diiday in ay soo bandhigto wakhtiga soo laabashada warkooda rasmiga ah.
Sida laga soo xigtay majaladda MARCA, Vinicius ayaa la filayaa inuu seego ku dhawaad hal bil taas oo la macno ah in uuna soo laaban doonin tan ilaa sanadka cusub.
Dhaawaca ayaa dhabar jab weyn ku ah Madrid, kuwaasoo kulan adag la ciyaari doona Liverpool Arbacada kulan ka tirsan champions League.
Madrid ayaa mar hore laga badiyay labo ka mid ah afartii kulan ee ugu horeysay ee Champions League, halka Liverpool ay si qurux badan u fadhiso hogaanka horyaalka iyadoo ah kooxda kaliya ee heysata rikoor fiican oo ah afar guulood