Real Madrid oo Xaqiijisay Inay Helayaan Xiddig Jarmal Ah Si Uu Bedel Ugu Noqdo Toni Kroos; Heshiiska oo La Dhammaystiri Doono Xagaaga Dambe: Warbixin
Florian Wirtz oo ka tirsan Bayer Leverkusen ayaa la filayaa inuu ku biiro Real Madrid xagaaga soo socda, isagoo loo arko inuu yahay ciyaartoyga ku habboon qorshaha Carlo Ancelotti iyo mustaqbalka kooxda.
Kadib markii ay xalliyeen dhibaatooyinkii dhaawacyada ee difaacooda, Real Madrid waxay dib u bilaabi doontaa raadinta khadka dhexe ee Bayer Leverkusen, Florian Wirtz. Sida lagu sheegay warbixinno cusub, Wirtz, oo 21 jir ah, ayaa si weyn u soo koray isagoo ka hoos ciyaaraya halyeeygii hore ee Madrid Xabi Alonso, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay xiddiga keliya ee beddel u noqon kara Tony Kroos.
Inkasta oo Real Madrid ku tahay hodan tayada ciyaartoyda khadka dhexe, haddana waxaa ka maqan khad dhexe oo hal-abuur leh. Federico Valverde iyo xiddigaha kale ayaa weli ku dhibtoonaya inay buuxiyaan booska uu baneeyay Toni Kroos, inkastoo Luka Modric uu wali diyaar yahay.
Inkastoo ay haystaan ciyaartoy sida Jude Bellingham iyo Arda Güler, kooxda Los Blancos waxay muddo dheer raadineysay Wirtz. Kooxda 14 jeer ku guuleysatay Champions League ayaa warbixinno wanaagsan ka heshay dhaqdhaqaaqa xiddigan, waxaana la sheegay inay u badan tahay inay heshiiskan dhammeystiraan.
Carlo Ancelotti iyo mas’uuliyiinta sarre ee Real Madrid ayaa aaminsan in soo iibsashada Florian Wirtz ay si weyn u beddeli karto khadka dhexe ee kooxda. Ilo ku dhow xiddiga ayaa sheegaya in Wirtz uu leeyahay awood uu ku burburiyo difaacyada kooxaha ka soo horjeeda isla markaana uu dhalin karo goolal badan, taasoo siin doonta kooxda qaab ciyaareed heersare.
Xilli ciyaareedkan, Wirtz wuxuu dhaliyay afar gool iyo laba caawin 10 kulan oo Bundesliga ah, halka uu sidoo kale saddex gool ka dhaliyay afar kulan oo Champions League ah.