Real Madrid ayaa xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle United Bruno Guimaraes .
Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real u aragto xiddiga reer Brazil badalka xiddiga khadka dhexe ee Casemiro.
Casemiro ayaa qandaraas ka helay Manchester United , kuwaas oo sidoo kale diyaar u ah inay 60 milyan euro ku bixiyaan Real si ay ugu qanciyaan inay iska iibiyaan 30 jirkaan.
Real waxay u furan tahay inay ganacsi sameyso waxayna u arkaan Guimaraes bedelka.
Si kastaba ha ahaatee, Newcastle ayaan wax xiiso ah u qabin iibinta xiddigeeda khadka dhexe waxana ay kaliya ku fikiri lahaayeen in ay ku kala tagaan dalab dhan 100 milyan oo euro ama ka badan.