Real Madrid oo xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Milan Nicolo Barella

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Milan Nicolo Barella.

Los Blancos ayaa horay u xoojisay khadkeeda dhexe xagaagan kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa Aurelien Tchouameni oo ay kala soo wareegeen Monaco.

Inkastoo Tchouameni uu ku biiray heshiis lix sano ah, Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayso inay sii xoojiso khadka dhexe iyaga oo bartilmaameedsanaya Barella.

Sida laga soo xigtay Calcio Mercato , Los Blancos ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto Dani Ceballos iyo Nacho Fernandez heshiis kasta oo macquul ah oo ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Italy.

Si kastaba ha ahaatee, Inter ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso inay sii haysato adeega Barella, kaasoo qandaraaskiisa haatan uu ku eg yahay 2026.

25 jirkaan ayaa 48 kulan u saftay kooxda Simone Inzaghi xilli ciyaareedkii hore, isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay kor u qaadaan koobka Coppa Italia kadib markii uu gool ka dhaliyay finalkii ay la ciyaareen Juventus.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*