Real Madrid, PSG, Bayern, iyo Juventus oo wadahadallo la furay Xidiga Chelsea ee Antonio Rudiger’

Kooxaha Real Madrid , Bayern Munich , Juventus iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay dhamaantood xiriir la sameeyeen daafaca kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger .

Laacibka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaan weli wax heshiis ah la gaarin Blues oo ku aadan heshiis cusub, waxaana lagu wadaa inuu noqdo wakiil xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Rudiger ayaa hadda xor u ah inuu heshiis hordhac ah la galo kooxo ajnabi ah ka dib markii uu galay lixdii bilood ee ugu dambeysay heshiiskiisa.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News , Real, Bayern, PSG iyo Juve ayaa dhamaantood wadahadalo la furay Rudiger si ay uga wada hadlaan heshiis horudhac ah, halka Manchester United ay sidoo kale isha ku hayso horumarka.

28 jirkaan ayaa wali ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Blues intii uu hogaaminayay Thomas Tuchel xilli ciyaareedkan waxa uu ku soo bilowday 20 kulan oo Premier League ah waxaana uu ka qayb qaatay laba gool iyo laba caawin.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*