Home Warar Ciyaaraha Maanta Real Sociedad oo dalbanaysa qiimo ka badan 40 milyan oo euros si...

Real Sociedad oo dalbanaysa qiimo ka badan 40 milyan oo euros si ay u iibiso Mikel Merino

0

Real Sociedad ayaa dalbanaysa qiimo ka badan 40 milyan oo euros si ay u iibiso Mikel Merino kadib markii ay Arsenal ka diideen dalabkii ugu horeeyay.

Gunners ayaa doonaysa in ay xagaagan keento xiddiga heerka caalami ee dalka Spain si ay ugu xoojiso dookhyadooda khadka dhexe, waxaana laga diiday dalabkii ugu horeeyay oo 25 milyan ah.

Waxaa lagu soo waramayaa in Real Sociedad ay raadineysay lacag dhan 35 milyan euro si uu heshiiska u dhaco laakiin Cadena Cope ayaa ku warameysa in ay ku doonayaan wax ka badan 40 milyan euro.

Merino ayaa ku jira sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa, waxaana la filayaa inuu weli ku biiri doono Arsenal xagaagan.

Wakiilada ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa weli rajo ka qaba in heshiiska uu dhaco laakiin sidoo kale ma uusan meesha ka saarin suurtogalnimada uu ku sii nagaan karo Spain sanad kale.

Merino ayaa laga saaray kooxda Real Sociedad guuldaradii 2-1 ee Axadii ka soo gaartay Real Vallecano iyadoo maamulaha kooxda Imanol Alguacil uu xaqiijiyay in go’aankaasi uu sabab u ahaa wadahadalo socday oo ku saabsan mustaqbalka 28 jirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here