
Xiddiga kooxda Chelsea Reece James ayaa ka jawaabay hadal ay baraha bulshada isku dhaafsadeen weeraryahanka AC Milan Rafael Leao .
Weerar yahanka reer Portugal iyo daafaca Blues ayaa erayo bogaadin ah isku weydaarsaday baraha bulshada.
23-sano jirkaan, oo lala xiriirinayo inuu xagaaga u dhaqaaqayo Chelsea , ayaa James ugu yeeray mid ka mid ah ciyaartoydii ugu adkeyd ee uu wajaho xirfadiisa ciyaareed dhawaan.
Ka dib wuxuu ku jawaabay isagoo leh “walaalkey James, ka dibna wuxuu raacay Bogga rasmiga ah ee Chelsea TikTok.
Xitaa wuxuu ugu Hambalyeeyay James dhalashadii bogga Instagram-ka, kaas oo James uu ku jawaabay “Mahadsanid bro.”
Xidigan Leao ayaa ku dhow Chelsea iyadoo kooxda ay durba qaaday dhoor tilaabo ay ku soo xiro galineyso.
Be the first to comment