
Xidigga kooxda Chelsea Reece James ayaa ammaanay saaxiibkiisii hore ee Tammy Abraham .
Abraham ayaa dhaliyay labo gool oo cajiib ah kulankii Roma derby, markaasoo Roma ay la ciyaartay Lazio isbuucaan.
Abraham ayaa hormar gaaray tan iyo markii uu u dhaqaaqay Serie A , isagoo u dhaliyay 15 gool 29 kulan oo uu u saftay kooxda Jose Mourinho .
James waxa uu qoraal soo dhigay baraha bulshada si uu u ammaano Abraham, isaga oo dhiirogalinaya saaxiibkii ka qalin jabiyay akadeemiyada Chelsea .
Waxa uu sheegay in taageerayaashu ay tahay in ay “xushmad siiyaan madama “tiradu aysan been sheegin” marka ay muujinayaan sawirka Abraham oo u dabaaldegaya guushiisa
Be the first to comment