Riccardo Calafiore ayaa heshiiska uu ugu biiray Arsenal ku tilmaamay mid wanagsan oo uu ku soo qaatay xirfadiisa ciyaareed, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay farqiga u dhexeeya horyaalka talyaaniga iyo horyaalka Ingiriiska.
Daafaca heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa uga soo dhaqaaqay Bologna heshiis ku kacaya ku dhawaad 50 milyan oo euro.
Calafiore ayaa si deg deg ah ula qabsaday Arsenal, wuxuuna soo jiitay jamaahiirta kooxdiisa, gaar ahaan markii uu gool muhiim ah ka dhaliyay kulankii Premier League, kaasoo ku dhamaaday barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Manchester City.
Calafiore oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in aan si fiican ula qabsaday horyaalka laakiin wali waa wakhti hore waxa aan qaab ciyaareedkayga uga mahad-celinayaa saaxiibadayda kooxda”.
Isagoo ka hadlayay farqiga u dhexeeya horyaallada Talyaaniga, wuxuu yiri: “Ma dareemayo inaan iraahdo waa ka wanaagsan yahay horyaalka Talyaaniga, laakiin hubaal wuu ka duwan yahay”.
“Halkan waxaa jira awood dheeri ah, qaabkuna waa ka duwan yahay”