Home Suuqa Kala iibsiga Riccardo Calafiori oo go’aansaday inuu u dhaqaaqo Arsenal xagaagan

Riccardo Calafiori oo go’aansaday inuu u dhaqaaqo Arsenal xagaagan

0

Daafaca Bologna, Riccardo Calafiori, ayaa go’aansaday inuu u dhaqaaqo Arsenal xagaagan.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, labo kooxood ayaa isku dayay inay hor istaagan isku dayga Gunners ee saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Talyaaniga oo ay haatan dhameystirkiisa ay ku dhowyihiin.

Waxaa la rumeysan yahay in Real Madrid iyo Juventus ay la hadleen Calafiori 10-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Calafiori waxa uu ballanqaaday inuu ku biirayo Arsenal mana tixgelin doono koox kale.

Arsenal ayaa ku dhow inay heshiis rasmi ah la gaarto Bologna ciyaaryahanka, kaasoo soo ifbaxay Euro 2024.

Bologna ayaa ciyaaryahanka ku dooneysay qiimo dhan £42 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here