Home Suuqa Kala iibsiga Riccardo Calafiori Oo Laga Saaray Waajibaadka Xulka Qarankiisa

Riccardo Calafiori Oo Laga Saaray Waajibaadka Xulka Qarankiisa

0

Arsenal ayaa waxaa soo wajahay cabsi dhaawac iyadoo Riccardo Calafiori lagu qasbay inuu ka baxo xulka Italy Axadii.

22-sano jirkaan ayaa dhaawac ka soo gaaray kubka qeybtii labaad ee ciyaartii Talyaanigu 3-1 kaga badiyeen France ciyaar ka tirsaneyd League Nations fiidnimadii Jimcaha.

Calafiori ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ka soo bandhigay dhanka bidix ee difaaca Italy ka hor inta aan la badalin daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta.

Xiriirka Kubadda Cagta Italy ayaa haatan xaqiijiyay in Calafiori uu ka tagay Xulka ku laaban doono Arsenal si uu baaritaano caafimaad oo dheeri ah ugu sameeyo.

Italy ayaa fiidnimada Isniinta la ciyaari doonta Israel kulankoodii labaad ee League Nations League.

Dhaawaca Calafiori ayaa walwal dheeraad ah ku abuuraya Arsenal ka hor kulanka Tottenham ee Axada soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here