Home Suuqa Kala iibsiga Riccardo Calafiori oo saf ugu jira inuu kasoo muuqdo kulankiisii ​​ugu horeeyay...

Riccardo Calafiori oo saf ugu jira inuu kasoo muuqdo kulankiisii ​​ugu horeeyay isagoo ah ciyaaryahan Arsenal ah

0

Riccardo Calafiori ayaa saf ugu jira inuu kasoo muuqdo kulankiisii ​​ugu horeeyay isagoo ah ciyaaryahan Arsenal ah mid kamid ah labada kulan ee saaxiibtinimo ee todobaadkan ka dhici doona garoonka Emirates.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa ka soo dhaqaaqay Bologna bishii hore, iyadoo Arsenal ay saxiixiisa ku garaacday kooxaha Chelsea iyo Juventus.

Gunners ayaa labo kulan u Hadhsantahay ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Arsenal ayaa la ciyaari doonta kooxda Bayer Leverkusen Arbacada ka hor inta ayna la ciyaarin Lyon Axda dambe kulanka Emirates cup.

Calafiori ayaa u muuqda mid ciyaari doona daqiiqadihiisii ​​ugu horeeyay ee Arsenal midkood labadaas kulan ee soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here