Home Warar Ciyaaraha Maanta Rigooradii Cajiibka Ahayd Ee Uu Dhaliyay Manuel Akanji Oo Daaha Laga Qaaday.

Rigooradii Cajiibka Ahayd Ee Uu Dhaliyay Manuel Akanji Oo Daaha Laga Qaaday.

0

In laguu xusho, oo laguugu aamino rigoorada guusha runtii waa masuuliyad weyn.

Akanji ayaa rigoore ka qasaariyay Switzerland kulankii England ee wareega 8da Euro 2024.

Si kastaba ha ahaatee, daafaca dhexe ayaa faraha laga saaray rigooradii ugu dambeysay iyadoo 7-6 ay City ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United garoonka Wembley, ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku kala baxeen waqtigii caadiga ahaa.

“Waan u fasaxay kuwa kale inay laadan sababtoo ah sida iska cad marka aad lumiso rigoore, kuma galayso kalsooni rigoorada xigta.

Waxa aan u sheegay Ederson in aan dhexda ka toogan doono marka waan sameeyay,” Akanji ayaa u sheegay ITV.

“Ma ahayn wax fudud, Si fiican ayaan u ciyaarnay, United xoogaa way fiicnaatay ka hor inta aysan 1-0 noqon.

Kadib waxay ahayd wax cajiib ah talaabadii Oscar Bobb iyo madaxii Bernardo. ”

Inkastoo Akanji uu dhaliyay rigooradii guusha, shaki kuma jiro goolhaye Ederson inuu ahaa xiddiga City ee rigoorada ugu fiicna u laaday,Sidoo kalana badbaadin fiican sameeyay

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa ka beeniyay Jadon Sancho rigooradii afaraad ee United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here