Rio Ferdinand oo shaaca ka qaaday walwal uu ka qabo saxiixa Arsenal ee Martin Odegaard

Rio Ferdinand ayaa qirtay inuu ‘ka walwalsan yahay’ in saxiixa Arsenal Martin Odegaard uu hor istaagi karo Hormarka Emile Smith Rowe.

Odegaard, oo 22 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu Emirates ku yimaado amaah dhanka Real Madrid toddobaadkan heshiis lix bilood ah, iyadoo Arteta uu doonayo inuu ku daro koox cusub saameyn hal abuur leh ka dib bixitaankii Mesut Ozil .

Smith Rowe, oo 20 jir ah, ayaa ku jira qaab ciyaareed heer sare ah tan iyo markii lagu soo daray kooxda koowaad ee Arsenal. Waxa uu dhaliyay labo gool shanna wuu caawiyey 10kii kulan ee ugu danbeysay ee uu u ciyaaray Gunners waxaana si weyn loogu amaanay kooxda Mikel Arteta ugu danbeyn dib u soo kabsatay qaab ciyaareedkooda.

Laakiin Ferdinand, oo ah daafacii hore ee Manchester United ayaa ka walaacsan in horumarkiisa ay saameyn ku yeelato imaatinka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid.

Ferdinand ayaa u sheegay Five : ‘Waxaan maqlayay wiilkan muddo dheer . Waxa uu amaah fiican ku qaatay Spain markii uu joogay Sociedad waxuuna leeyahay karti uu boos ku helo.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*