Rio Ferdinand oo dareensan in uu tababare Erik ten Hag sameeyey qalad weyn kulankii Arsenal ay kaga badisay Axaddii

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa dareensan in uu tababare Erik ten Hag sameeyey qalad weyn kulankii Arsenal ay 3-2 kaga badisay Axaddii, waxaanu qaladkaasi iskugu jiray go’aan qaadasho intii ay ciyaartu socotay ah iyo dhinaca xulashada ciyaartoydii uu garoonka kusoo bilaabay.

Red Devils oo hoggaanak ciyaarta ku qabatay gool qurux badan oo uu Marcus Rashford u dhaliyey, ayaa waxa ka daba yimid Eddie Nketiah iyo Bukaayo Saka oo laba gool oo waqti kooban ah dhaliyey, ka hor intii aanu Lisandro Martinez madax ku barbarraynin. Daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta ayuu Nketiah mar kale shabaqa soo taabtay, waxaanay sidaas Arsenal ku heshay saddexda dhibcood.

Ferdinand oo falanqeeye ka ahaa ciyaarta ayaa sheegay, in uu jiray ciyaartoy Manchester United ah oo ay baqanayay min bilow illaa dhamaad ciyaarta, taasina qayb weyn ka qaadatay in ay Arsenal guusha hesho, halka beddelkana uu la raagay tababare Erik ten Hag.

Rio Ferdinand oo ka hadlayay bartiisa YouTube-ka ee FIVE ayaa sheegay, in qaladka uu sameeyey Erik ten Hag uu ahaa  in uu la habsaamay Alejandro Garnacho oo ay ahayd inuu waqti hore soo gelayo, sidoo kalena ay ahayd inuu saaro Luke Shaw oo u muuqanayay inuu ka baqayo Bukayo Saka.

“Waxay ahayd inuu ciyaarta soo geliyo ciyaartoy sida Garnacho ah 15 ama 20kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey, si uu Arsenal ugu soo kordhiyo fikir.” Ayuu yidhi Rio Ferdinand oo sii raaciyey; “Anaga [Man United] ayay na dul-saarnaayeen, weerar ayay nagu ahaayeen. Dhamaantood dushayada ayay joogeen, laakiin haddii uu iman lahaa Garnacho waxa uu ku noqon lahaa khatar, waxaanu noqon lahaa beddel wanaagsan oo kooxda culays ka furta.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*