Rio Ferdinand oo fariin u diray Nicolas Pepe intii ay socotay ciyaartii Arsenal ay 3-1 kaga badisay Southampton

Rio Ferdinand ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Nicolas Pepe amaan gaar ah ka dib markii uu soo bandhigay qaab “qurux badan” si uu uga caawiyo hogaaminta Arsenal inay 3-1 kaga badiso Southampton kulan ka tirsan Premier League.

Gunners ayaa dardar ku soo gashay ciyaarta iyaga oo doonaya in ay ka soo kabsadaan niyad jabkii ay kala kulmeen kooxda Saints kulan ka tirsanaa wareega 4-aad ee FA Cup sabtidii.

Goolka Pepe ayaa ahaa kii seddexaad ee xilli ciyaareedkaan Premier League iyo kii lixaad ee tartamada oo dhan.

Daaficii hore ee Manchester United Ferdinand ayaa la dhacay qaabkii uu weeraryahanka reer Ivory Coast u dhameystiray fursada.

Isaga oo ka hadlaya BT Sport waqtigii nasashada, Ferdinand ayaa yiri: “Waa xidig fantastik ah oo baas uu ka helay [Granit] Xhaka, u dhamestiray qaab deganaan ku timid.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*