Home Suuqa Kala iibsiga Rio Ferdinand Oo Shaaciyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League & 4-ta...

Rio Ferdinand Oo Shaaciyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League & 4-ta Ugu Saraysa.

0

Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League & 4-ta Ugu Saraysa.

Rio Ferdinand ayaa Arsenal ku taageeraya in ay ku guulaysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan isaga oo soo afjaraya hanashada horyaalka ee Manchester City.

Pep Guardiola wiilashiisa ayaa ku guuleystay afartii koob ee ugu dambeysay Premier League, iyagoo noqday kooxdii ugu horeysay ee sidaas sameysa, waxaana ay isku dayi doonaan inay mar kale ku guulaystaan xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa soo gashay kaalinta labaad labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyaga oo ku dhawaaday in ay ku guulaystaan 2 jeer oo xidhiidh ah.

Ferdinand haatan aaminsan in Mikel Arteta iyo kooxdiisu ay xilli ciyaareedka cusub ku guulaysan doonaan isaga oo sheegay in halka saxiix ee ay sameeyeen uu farqi samayn doono.

Riccardo Calafiori ayaa ka yimid Bologna, Ferdinand ayaana aad ula dhacsan difaacan, waxana uu sheegay in uu Caawin doono Arsenal ku guulaysiga horyaalka.

“Waxaan u maleynayaa inay adag tahay inaan ka hor imaado City sababtoo ah sida ay guulo u gaareen afartii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay,” ayuu Ferdinand ku yiri TNT Sports.

“Waxay dejiyeen bartilmaameed cusub, rikoor cusub oo afar isku xigta ah”.

“Waxa aan qabaa in ay jirto diciifnimo yar oo kooxda ku jirta laakiin Califiori ayaa siinaya daganaan sidaas darteed waxa aan Arsenal u saadaalinayaa ku guulaysiga horyaalka””.

Ferdinand ayaa kooxda Man United u saadaaliyay in ay u soo baxdo boosaksa champions League.

Daafacii hore ayaa sidoo kale Man City iyo Liverpool u saadaaliyay 2-aad iyo 3-aad halka uu Man United u saadaaliyay kalainta 4-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here