Rio Ferdinand ayaa sheegay in Manchester United ay ahayd in aysan waligeed iibin Jonny Evans wuxuuna sheegay in uu ahaa ‘difaacii ugu fiicnaa’ kooxda markii uu tagay.
Evans ayaa ku dhawaad toban sano ku qaatay United intii lagu jiray waqtigiisii ugu horeeyay ee kooxda, wuxuuna u saftay 198 kulan wuxuuna ka caawiyay Red Devils inay ku guulaysato seddex koob oo Premier League ah.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Waqooyiga Ireland Ayaa ka baxay qorshaha tababarihii hore ee Man United ee Louis van Gaal, waxaana laga iibiyay West Brom sanadkii 2015.
Daafaca dhexe ayaa boos dhib badan ka haystay United xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda u horseeday in ay dib ula soo saxiixdaan Evans oo jira 35 sano jir.
Evans ayaa ku riyaaqay shan sano oo uu joogay Leicester City ka hor inta uusan ku laaban Masraxa Riyada oo uu u saftay 30 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.
Daafaca ayaa si joogto ah uga soo muuqday Man United xilli ciyaareedkan waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii Aston Villa oo uu ku mutaystay xiddiga ugu fiican ciyaarta.
Ferdinand ayaa aaminsan in tani ay cadeyn dheeri ah u tahay in ayna kooxdu ahayn in ay iibiso Evans laakiin ay ahayd in ay kooxdu isaga ku dhisto mustaqbalka halkii ay iska iibin lahayd.
“Waxa ay ahayd in uu sii joogo kooxda 12 sano oo kale”ayuu Ferdinand yidhi.
Isla markii ay iibiyeen ayaan ku idhi, “yaa, ayaa ogolaaday heshiiskan”, Sideed ugu ogolaan kartaa inuu baxo? Waxa lagu doodi karaa inuu yahay daafacaada ugu fiican halkaas”.