Kabtankii hore ee Manchester United Rio Ferdinand ayaa ku tilmaamay Adrien Rabiot “Ciyaaryahan tayo dhab ah leh” balse waxa uu qirtay inuu ka walaacsan yahay heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus .
Kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay Juventus oo ku aadan saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, iyadoo la rumeysan yahay in qiimaha lagu kala iibsanayo uu yahay 15 milyan ginni.
Red Devils ayaa wali la sheegay inay ku jirto loolanka loogu jiro xiddiga Barcelona Frenkie de Jong , laakiin Chelsea ayaa haatan u muuqata inay hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands.
Ferdinand ayaa sheegay in Rabiot uu horumarin doono Man United, laakiin daaficii hore ayaa walaac ka qaba inuu ku haboon yahay kooxda.
Rabiot ayaa la rumeysan yahay inuu ku dalbanayo €10m (£8.4m) sanadkiiba heshiis macquul ah oo uu ku joogo Old Trafford, taasoo ka dhigan sare u qaadida heshiiska uu haatan kula joogo Talyaaniga.