Home Horyaalka Spain Rivaldo oo yiri Barcelona qalad weyn ayeey ku geleysaa hadii ay iibiyaan...

Rivaldo oo yiri Barcelona qalad weyn ayeey ku geleysaa hadii ay iibiyaan Messi.

0

Rivaldo ayaa aaminsan in Barcelona ay aheyd inay ku guuleysato in Lionel Messi ay ka saxiixato heshiis cusub  kaasoo u muuqda inuu si xor ah uga tagayo Camp Nou xilli ciyaaredka dambe.

Barcelona ayaa qalad ku sameysay inaysan iibin kabtanka kooxda Lionel Messi bilowgii xilli ciyaareedka sida laga soo xigtay Rivaldo Messi ayaa qandaraaskiisa ka maqnaanaya dhamaadka ololaha haatan jira,

waxa uu heystaa rikoorka lixda jeer ku guuleysiga Ballon d’Or isagoo u muuqdaa inuu si xor ah ugu tagayo madaama xiriir adag uu la leeyahay Paris Saint-Germain iyo Manchester City oo soo bandhigeen Rabitaankoda ku aadan messi.

33 jirka weerarka ka ciyaara ayaa isku dayay inuu ka baxo Camp Nou kahor bilowga 2020-21 ka hor inta uusan dooran inuu la sii joogo kooxda LaLiga Iyada oo Barca ay dhaqaale ahaan la halgameyso cudurka faafa ee coronavirus xiddigii hore ee barcelona Rivaldo wuxuu ku qoray qormadiisa Betfair: “Barcelona kuma jirin xaalad caafimaad oo wanaagsan kahor musiibada,

laakiin waxyaabo ayaa xumaaday sanadkii la soo dhaafay iyo wixii ka dambeeyay bixitaankii lama huraanka ahaa ee Lionel Messi kooxda ayaa laga yaabaa inay u baahdaan inay iibiyaan qaar ka mid ah ciyaartoy muhiim ah si ay dakhli u soo saaraan.

Sidii aan horeyba u soo sheegay guddiga kooxda ayaa qalad sameeyay iyagoo aan iibineynin Lionel Messi intii uu weli qandaraas ku jiray wax Real Madrid ay ku sameysay Cristiano Ronaldo oo helay ku dhawaad 100 milyan euro oo lagu bedelayo oo loo wareejiyay Juventus.

Waa wax laga xumaado in la arko ciyaartoy karti iyo qiimo badan oo ka tagaya Barca lacag la’aan markii kooxda ay soo martay dhibaatooyin dhaqaale oo aad u badan Laakiin aniga oo eegaya wareejinta suurtagalka ah ee dhici kara, waxaan u maleynayaa in waqtiga Phillipe Coutinho uu soo gabagabeynayo.

Waxa uu jecel yahay England waxaana laga yaabaa in Barcelona kasoo saarto dakhli fiican iibkiisa taasoo u ogolaaneysa inay sii hayaan kuwa kale sida Ousmane Dembele iyo Antoine Griezmann Xiddiga reer Brazil waligiis ma uusan soo bandhigin kubadiisa ugu fiican Spain, tan iyo waqtigiisii fiicnaa ee uu ku sugnaa dhacay Premier League waxaan hubaa inay jiri doonaan kooxo xiiseynaya adeegyadiisa oo diyaar u ah inay bixiyaan lacago aad u badan, in kasta oo aysan aheyn wax ay Barcelona siisay Liverpool.

Barca ayaa ku jirta kaalinta seddexaad halka 10 dhibcood ay ka hooseeyaan hogaamiyaasha Atletico Madrid iyagoo isku diyaarinaya inay martigeliyaan Athletic Bilbao axada waana kooxdii ka qaaday koobka Super copa Espana horaantii bishaan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here