Robert Lewandowski: Barcelona waxa ay isiinaysaa fursada ugu fiican ee aan ugu guulaysan karo Ballon d’Or

Robert Lewandowski ayaa sheegay in u dhaqaaqista Barcelona ay kor u qaaday fursadda uu ugu guuleysan karo Ballon d’Or.

Weeraryahankii hore ee Bayern Munich ayaa si heer sare ah ku bilowday xirfadiisa Barca.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Poland ayuu yiri: “Ku guuleysiga Ballon d’Or, waan ogahay in Barcelona ay tahay kooxda ciyaartoyda ugu badan ay ku guuleysteen Ballon d’Or.

“Waxay ila tahay in ay jirto wado ka gaaban Ballon d’Or oo ka imanaysa Barça marka loo eego Bayern”.

Markii uu Bayern ka horyimid tartanka Champions League bishaan, wuxuu ku daray, “Ciyaarta Bayern waxay ii ahayd caqabad weyn. Suurtagal ma ahayn inaan joojiyo dhammaan dareenkaas. Waxay ii ahayd wax ka badan ciyaar isboorti, waxay ahayd ciyaar qiiro leh.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*