Robert Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa inuu ku amray wakiilkiisa Pini Zahavi inuu u dhaqaaqo Real Madrid inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.
33-sano jirkaan ayaa markale qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay kooxda Bayern Munich intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 25 gool 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Dhanka kale, waxa uu maamulay 319 gool 349 kulan oo uu u saftay kooxda Bundesliga ka dhisan tan iyo markii uu ka yimid Borussia Dortmund bishii Luulyo 2014.
Lewandowski kaliya 18 bilood ayaa uga haray qandaraaskiisa Allianz Arena, si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Poland ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu ka tago Jarmalka xagaaga soo aadan si uu u raadiyo koox cusub.
Sida laga soo xigtay AS , weeraryahanka qibrada leh ayaa si aad ah u doonaya inuu u dhaqaaqo Real Madrid, Zahavi ayaana ka shaqeynaya inuu kala xaajoodo sidii uu ugu wareegi lahaa kooxda reer Spain kalyantigiisa.
Lewandowski ayaa sidoo kale horay loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League, iyadoo Manchester City , Chelsea iyo Liverpool loo maleynayo inay xiiseynayaan.