Home Wararka Ciyaaraha Robert Lewandowski oo ka warbixiyay mustaqbalka Bayern Munich Xili lala xiriirinayo Manchester...

Robert Lewandowski oo ka warbixiyay mustaqbalka Bayern Munich Xili lala xiriirinayo Manchester City

0

Robert Lewandowski ayaa ku adkeysanaya inuu si buuxda diirada u saarayo xilli ciyaareedkaan Kooxdiisa Bayern Munich , iyadoo la isla dhexmarayo inuu dib ula midoobi doono Pep Guardiola kooxda Manchester City .

33-sano jirkaan ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu goolasha badan Yurub 2021, isagoo dhaliyay 69 gool 59 kulan oo uu u saftay Bayern iyo Poland sanadkan, 18 ka badan xiddiga ugu dhow Kylian Mbappe .

Lewandowski ayaa haatan ku raaxaysanaya xili ciyaareedkiisii ​​8-aad isaga oo ka tirsan kooxda Bayern Munich, si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray soo jeedin ah in weeraryahanka uu doonayo loolan cusub marxaladaha danbe ee xirfadiisa ciyaareed, taas oo la aaminsan yahay in ay heegan galisay kooxaha sida Man City, Chelsea iyo Real Madrid. .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Poland, oo 18 bilood oo kaliya ay uga harsan tahay qandaraaskiisa Allianz Arena, ayaa ku adkeystay inuu ku faraxsan yahay Bayern, laakiin wuxuu daaha ka qaaday inuusan weli ka fekereynin heshiis kordhinta.

“Kama fikirayo heshiiska Bayern,” Lewandowski ayaa Sidaasi sheegay sida Manchester Evening News .

“Waan ku faraxsanahay sida ay wax u jiraan waqtigan oo aan diirada saarayo xilli ciyaareedka haatan socda,waxa aan la qabsaday xanta sanad walba si ayna taasi ii dhibin,ma aanan akhriyin saxaafada muddo dheer.

Lewandowski ayaa la soo shaqeeyay Guardiola labo xilli ciyaareed oo uu joogay Bayern intii u dhaxeysay 2014 iyo 2016, isagoo u dhaliyay 67 gool, wuxuuna caawiyay 19 100 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Previous articleReal Madrid iyo Barcelona oo bartilmaameedsanaya Matthias Ginter oo noqonaya Mid xor ah xagaaga soo socda
Next articleBorussia Dortmund oo bixineysa qandaraas rikoor ah si ay uga dhaadhiciso Erling Braut Haaland inuu sii joogo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here