Robert Lewandowski ayaa ku guuleystay abaalmarinta isagoo helay 150 cod. Lionel Messi ayaa kaalinta 2-aad ku jiray isaga oo helay 105 dhibcood halka xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee Jorginho uu 110 dhibcood ka dambeeya Lewandowski oo kaalinta saddexaad ku jira.
Waxaa xusid mudan in Robert Lewandowski uu ku guuleystay abaalmarintaan sanadkii labaad oo xiriir ah. 33 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa ku guuleystay abaalmarinta sanadkii hore in kasta oo 2020 Ballon d’Or uusan dhicin sababo la xiriira cudurka faafa ee COVID-19.
Robert Lewandowski ayaa xilli ciyaareed gaar ah 2020-21 u qaatay kooxda Bayern Munich. Weeraryahanka reer Poland ayaa dhaliyay 48 gool 40 kulan oo uu u saftay kooxda Bavarian xilli ciyaareedkii hore.Â
Goolasha Lewandowski ayaa Bayern Munich ku hogaamiyay hanashada horyaalkii 31-aad ee Bundesliga taariikhdooda. Bayern ayaa sidoo kale ku guuleysatay DFL-Supercup, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup xilli ciyaareedkii hore.
Robert Lewandowski ayaa labo xilli ciyaareed oo cajiib ah ku qaatay Bayern Munich. 33 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa durba dhaliyay 25 gool 19 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.