Weeraryahanka Barcelona, Robert Lewandowski, ayaa si weyn u sharraxay waqtiyada uu ka fariisan doono kubadda cagta, isagoo qiray inuu si fiican uga warqabo in xirfaddiisa ciyaareed loo dhow yahay dhammaadkeeda”.
Xiddiga heer caalami ee Poland, oo 36 jir noqday bilowgii xilli ciyaareedkan, ayaa haddana ku jira qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo markii uu Bayern Munich uga soo wareegay kooxda Barcelona xagaagii 2022.
Lewandowski ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 19 gool kaliya 17 kulan oo uu saftay, isagoo matalaya kooxda Barcelona oo lix dhibcood ku hogaamineysa horyaalka LaLiga,halka ay kaalinta lixaad kaga jirta jadwalka Champions League oo ay saddex guul ka heleen afartii kulan ee ay ciyaareen.
Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka waayo-aragga ah ayaa xaqiiqsan in uusan waqti badan sii ciyaari doonin, 19 sano kaddib markii uu ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee xirfaddiisa ciyaareed.
“Da’da aan hadda joogo, waan ogahay in dhowaan labo ama saddex sano dhammaan doonto xirfaddeyda kubadda cagta,” Lewandowski ayaa u sheegay Forbes.
“Waxaan rabaa inaan anigu go’aamiyo, qof kale ma go’aamin doono,” ayuu yiri.