Home Wararka Ciyaaraha Robert Lewandowski oo si toos ah ula xiriiray tababaraha Barcelona Xavi

Robert Lewandowski oo si toos ah ula xiriiray tababaraha Barcelona Xavi

0
Ad

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa si toos ah ula xiriiray tababaraha Barcelona Xavi ka hor inta uusan u dhaqaaqin xagaagan, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano .

33-sano jirkaan ayaa si weyn loola xiriirinayaa inuu ka tagayo Allianz Arena suuqa kala iibsiga ee soo socda, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Poland uu diiday inuu kordhiyo qandaraaskiisa oo dhacaya 12-ka bilood ee soo socota.

Ad

Inkastoo Bayern ay ku adkeysaneyso in weeraryahanka uu sii joogi doono kooxda wixii ka dambeeya xagaaga, Lewandowski ayaa daaha ka qaaday isbuucaan inuu aaminsan yahay inuu ciyaaray kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee kooxda heysata horyaalka Bundesliga.

Marka laga soo tago hadalka Lewandowski, khabiirka suuqa kala iibsiga ee Romano ayaa ku sheegay boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka Khamiistii in weeraryahanka uu la xiriiray Xavi laba jeer.

Romano ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray : “Robert Lewandowski waxa uu durbaba laba xiriir oo toos ah la yeeshay Xavi, qorshuhu wali waa cad yahay, qandaraas ilaa June 2025 ayaa laga wada hadlay – hadda ayay ku xiran tahay kooxaha.

“Wali wax wadahadal ah ma jiraan kooxo kale – maadaama uu doonayo in Barcelona ay mudnaanta siiso”.

Previous articleCiyaartoyda Man Utd oo laga joojiyay Xaflada abaal-marintii ee Kooxda
Next articlePaul Pogba oo heshiis shaqsi ah la gaaray Manchester City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here