Home Warar Ciyaaraha Maanta Robert Pires oo Shaaciyay in Arsenal ay haysato awood ku filan kulanka...

Robert Pires oo Shaaciyay in Arsenal ay haysato awood ku filan kulanka Axada

0

Robert Pires ayaa kalsooni ku qaba in Arsenal ay haysato awood ku filan oo natiijo fiican ugala bixi karto kulanka Axada ee North London Derby inkasta oo ay ka maqnaan doonaan Declan Rice iyo Martin Odegaard.

Gunners ayaa u safri doonta guriga kooxda ay xifaaltamaan ee Tottenham iyada oo uu ka maqan yahay kabtankooda Odegaard.

Mikel Arteta ayuu sidoo kale ka maqnaan doonaa xiddiga Rice kaas oo kaadhka cas looga saaray kulankii Brighton ee laba todobaad ka hor.

Inkasta oo ay xiddigo muhiim ah ka maqan yihiin hadana xiddigii hore ee Arsenal Pires ayaa aaminsan in Jorginho iyo Thomas Partey ay shaqo fiican qaban doonaan.

“Shaki la’aan waa dhirbaaxo weyn in aad lumiso Rice iyo Odegaard kuwaas oo khibrad fiican u leh kulanka”ayuu Pires yidhi.

“Si kastaba ha ahaatee, Arsenal way ku guuleysan kartaa kulankaan derby la’aantood sababta oo ah kooxda ayaa haysata xiddigo fiican”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here