Tababaraha kooxda Brighton ee Roberto De Zerbi ayaa amaan ugu qubeeyay dhigiisa Manchester City ee Pep Guardiola isaga oo sheegay inuu sababtiisa u noqday tababare kubadda cagta ah.
De Zerbi ayaa horraantii xilli ciyaareedkan Brighton ka bedelay Graham Potter wuxuuna kooxdaas xalay usoo saaray tartanka UEFA Europa League markeedii ugu horreysay abid taariikhda.
De Zerbi ayaa xalay barbardhac 1-1 ah ku qabtay kooxda Pep Guardiola ee Man City oo marti ugu ahayd Amex Stadium isagoo waliba ciyaaraya hab ciyaareedkiisa baaska ku sallaysan oo aan bedelin.
Roberto oo ah macalin Talyaani ah ayaa dunida kaga yaabsaday hab ciyaareedkiisa kubad haysashada ku dhisan isagoo bedelay aragtidii tababarayaasha dalkiisa laga haystay ee difaacashada.
De Zerbi ayaa kulanka kaddib sheegay inuu tababare u noqday sababta Guardiola maadaama oo uu darsay jeclaana kooxdiisii Barcelona.
“Waxaan tababare u noqday sababta Pep Guardiola, waxaan jeclaa Barcelona-diisii” ayuu hadalkiisa ku bilaabay tababaraha Talyaaniga ahi.
“Isaga wax badan ayaan darsay, kumaan wada dayanin balse waxaan eegaa markii aan bilaabay inaan tababare noqdo kahor inta aanan ciyaaryahanimada ka dhammaan walina Pep waa midka koowaad”.