Home Warar Ciyaaraha Maanta Rodri oo ka warbixiyay mustaqbalkiisa Etihad Stadium xilli la sheegayo in uu...

Rodri oo ka warbixiyay mustaqbalkiisa Etihad Stadium xilli la sheegayo in uu xiiso ka helayo Real Madrid.

0

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri ayaa ka warbixiyay mustaqbalkiisa Etihad Stadium xilli la sheegayo in uu xiiso ka helayo Real Madrid.

28-sano jirkaan ayaa noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan khadka dhexe ee kubada cagta isaga oo kooxda Man City kula guulaystay koobab badan tan ilaa markii uu kaga soo biiray Atletico Madrid sanadkii 2019.

Rodri ayaa guud ahaan 258 kulan u saftay Citizens tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 26 gool iyo 30 caawin, waxaana uu kula guuleystay 11 koob oo ay ku jiraan afar horyaal oo Premier League ah iyo hal Champions League.

Xiddiga khadka dhexe ayaa lala xidhiidhinayay Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay lacag badan ugu dhaqaaqaan saxiixiisa.

“Heshiis 3 sano oo dheeri ah ayaa iigu hadhay Man City, markii aan saxiixay heshiiska kama fikirin kooxo kale”ayuu Rodri yidhi.

“Sidaas darteed waxa aan kooxda kula jiraa heshiis 3 sano ah mana jirto wax kale oo aan odhan karo”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here