Home Suuqa Kala iibsiga Rodri oo kusso baxay bartilmaameedka mudnaanta koowaad ee Real Madrid

Rodri oo kusso baxay bartilmaameedka mudnaanta koowaad ee Real Madrid

0

Rodri ayaa lagu soo waramayaa inuu kusso baxay bartilmaameedka mudnaanta koowaad ee Real Madrid ee 2025, iyadoo xiddiga Manchester City uu hakad ku jiro qandaraas kordhintiisa City.

Sida laga soo xigtay majaladda Spanish-ka ah ee AS, Real Madrid ayaa kalsooni ku qabta inay soo gabagabayso heshiiska ay Bayern Munich kula soo wareegayso Alphonso Davies xilli hore xagaaga soo socda, waxayna hadda indhaha ku hayaan Rodri oo qayb ka ah qorshahooda istiraatiijiyadeed ee mustaqbalka fog.

Iyada oo uu ka fadhiistay Toni Kroos, oo ah ciyaaryahan saamayn kulahaa khadka dhexe ee Madrid, ayaa kooxdu waxa ay raadinaysaa ciyaaryahan la mid ah si uu u buuxiyo booska bannaan.

Rodri, oo loo arko mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan booskiisa, ayaa kusoo baxay “bartilmaameedka kala iibsiga mudnaanta” si uu u qabto doorkan.

Isagoo 28 jir ah, Rodri wuxuu joogaa meeshii ugu sarreysay ee awoodiisa, marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee 2025, wuxuu noqon doonaa 29 – isla da’dii Zinedine Zidane uu ahaa markii uu ku biiray Real Madrid 2001.

Qandaraaska uu haatan kula jiro City waxa uu dhacayaa ilaa 2027, laakiin kooxda ayaa aad u doonaysa in ay xaqiijiso mustaqbalkiisa iyada oo u soo bandhigtay heshiis cusub.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Isbaanishka ayaan wali ballan qaadin kordhinta wax heshiis ah, taasoo sii kicinaysa wararka xanta ah ee sheegaya inuu bixi karo.

Rodri ayaa loo diyaarinaya lambarka 16aad ee Real Madrid kaas oo uu si ku meel gaadh ah u xidhan yahay Endrick.

Si kastaba ha ahaatee, da’yarka reer Brazil ayaa laga yaabaa inuu lambarka 9-aad ka helo Kylian Mbappe, kaasoo isna laga yaabo inuu qaato lambarka 10aad ka dib markii uu Luka Modric ka tago kooxda xagaaga soo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here