Nicolo Zaniolo ayaa Roma ku hogaamiyay hanashada horyaalkoodii ugu horeeyay ee qaaradaha kadib markii ay 1-0 kaga badiyeen Feyenoord finalka Europa Conference League ee ka dhacay Tirana.
Zaniolo, oo seegay dhamaan xilli ciyaareedkii 2020-21 ka dib markii uu soo gaaray dhaawac labaad oo ACL ah muddo sanad ka yar, ayaa daqiiqadii 32-aad ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxda Roma.
Jose Mourinho ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay abid ee koobab Yurub kula guuleystay afar kooxood oo kala duwan ka dib markii uu ku hogaamiyay AS Roma koobkii ugu horeysay ee Europa Conference League iyagoo ka badiyay kooxda Feyenoord.
Guusha AS Roma ma aheyn mid sahlan iyadoo Feyenoord ay si weyn u dagaalantay gaar ahaan qeybtii labaad ee ciyaarta. Roma ayaa ku badbaaday goolhaye Rui Patricio iyo daafaca dhexe Chris Smalling laakiin ciyaartoyda Mourinho ayaa si fiican u difaacday kubada qeybtii labaad.