Roma oo dib u soo celinaysa xiisaha Granit Xhaka xagaagan

Roma ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo celin doonto xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Granit Xhaka inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda reer talyaani ayaa si xoogan loola xiriirinayay 29 jirkaan xagaagii hore, laakiin waxa uu ku hadhay Emirates Stadium waxana uu qalinka ku duugay heshiis cusub ilaa June 2024.

Xhaka ayaa seegay 10 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan sababo la xiriira ganaax iyo dhaawac, laakiin waxa uu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxda Mikel Arteta marka uu diyaar u yahay doorashada.

Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport , tababaraha kooxda Roma Jose Mourinho ayaa weli ka go’an inuu kooxda keeno xiddiga heerka caalami ee dalka Switzerland sanadkan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Xhaka uu yahay ‘magaca koowaad’ ee liiska ciyaartoyda u sharaxan xagaagan ee Mourinho, inkastoo aysan cadeyn in qiimaha Arsenal ee ciyaaryahanka khadka dhexe uu weli yahay 17 milyan ginni.

xidiga Swiss ayaa dhaliyay 13 gool waxaana loo diwangeliyay 21 caawin 232 kulan oo uu u saftay Gunners tan iyo markii uu ka yimid Borussia Monchengladbach bishii Luulyo 2016.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*