Roma oo dib u soo noolaynaysa qorshaha ay kula soo saxiixanayso xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Granit Xhaka

Kooxda Roma ayaa dib u soo noolaynaysa qorshaheeda ay kula soo saxiixanayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Granit Xhaka .

Roma ayaa xagaagii hore isku dayday xiddiga heerka caalami ee dalka Switzerland, waxayna diyaar u tahay inay mar kale isku daydo.

La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaysa in tababaraha Roma ee José Mourinho uu wali doonayo saxiixa Xhaka. Inkasta oo ay u badan tahay in Roma ay mar kale isku dayi doonto dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xhaka ayaa la sheegay inuu ugu sarreeyo liiska uu Mourinho doonayo suuqa xagaaga. Arsenal ayaa horay ciyaaryahanka uga dalbatay 17 milyan ginni.

29 jirkaan ayaa u ciyaaray kooxda ka dhisan London 12 kulan oo tartan ah xilli ciyaareedkan.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*