Roma oo Wali ku jirta Liiska Kooxaha Xiiseenaya Xidiga Arsenal Ainsley Maitland-Niles.

Roma ayaa lagu soo waramayaa inay weli Xiiseeneyso Xidiga Arsenal ee Ainsley Maitland-Niles .

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kooxda ka dhisan Serie A ay ku dhowdahay inay heshiis amaah ah kula wareegto Maitland-Niles, kaasoo doonaya inuu ka tago Arsenal isagoo raadinaya boos joogto ah.

Gunners ayaa u furan inay u ogolaato 24 jirkaan inuu baxo, laakiin waxay doonayaan in heshiis kasta oo Amaah ah lagu diro mid toos loogu iibsan karo.

Corriere della Sera ayaa ku warameysa in labada kooxood ay wali ku kala fog yihiin wada xaajoodyada ku saabsan qiimaha xidigan.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku iibineyso €15m (£12.6m), halka Roma aysan dooneyn inay kor u qaadaan dalabkooda haatan oo ah €10m (£8.4m).

Maitland-Niles ayaa doonaya in uu ka tago Emirates Stadium xagaagii hore laakiin waxa uu ku qancay in uu sii joogo rajada ah in uu marar badan ka soo muuqdo qorshaha Mikel Arteta .

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka khadka dhexe ka ciyaara ayaa ku soo bilowday kaliya labo kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedka oo dhan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*