Ramos iyo Real Madrid wali ma aysan gaarin heshiiska qandaraaska kordhin ah tan iyo markii ay soo baxday inuu dhamaanayo heshiiska uu kula jiro Los blancos Sergio Ramos iyo Real Madrid waa inay gaaraan heshiis ku saabsan kordhinta qandaraaska – sida laga soo xigtay Cadena Ser.
Ramos ayaa kaliya heshiis cusub la gali doona kooxda Real madrid hadii ay ogolaadaan inay sii wadaan bixinta mushaarkiisa 12 milyan ee euro sanadkii laakiin kooxda ma awoodi karto inay ka soo baxdo dalabkiisa jawiga dhaqaale ee haatan jira.
34-sano jirka heshiiska uu haatan ku egyahay xagaaga, waxaana si aad ah loola xiriiriyay inuu u dhaqaaqo kooxo waaweyn Qaarada yurub ka dhisan haba ugu badnaadaan kooxaha Premier League.