Romelu Lukaku oo si weyn loo sugayay inuu amaah ugu laabto Inter Milan xagaagan ayaa lagu soo waramayaa in la gaaray Heshiiskaasi ka dib wadahadalo saddex saacadood qaatay oo uu la yeeshay Chelsea Isniintii.
Weeraryahanka Belgian ayaan qarin rabitaankiisa ah inuu dib ugu laabto Serie A ka dib xilli ciyaareed liita oo uu la qaatay Chelsea, isagoo dhaliyay kaliya 15 gool 44 kulan oo uu u saftay ka dib markii uu ku soo laabtay Stamford Bridge heshiis qiimihiisu yahay 98.5 milyan ginni.
Milkiilaha cusub ee Chelsea Todd Boehly ayaa ku qancay in bixitaanka Lukaku ay u wanaagsan tahay dhammaan dhinacyada marka uu Belgian-ka caddeeyo sida ay uga go’an tahay inuu baxo.
Sida uu hore u sheegay Sportsmail, waxa laga wada hadlay arintan isniinti haatana waxa la sheegay in heshiisku qarka u saaran yahay in uu dhamaado.
Sida laga soo xigtay wargeyska Talyaaniga ee La Gazzetta dello Sport, waxay qaadatay seddex saacadood oo wadahadal ah in la isku afgarto laakiin ugu dambeyntii heshiiska qaar ayaa la gaaray.