Home Horyaalka Spain Ronald Keoman oo hadlay sababtii uu keedka u dhigay Antonio Griezmann

Ronald Keoman oo hadlay sababtii uu keedka u dhigay Antonio Griezmann

0

Xidiga  reer France ee Antonio Griezmann ayaan qeyb ka ciyaarin guushii Blaugrana ee 2-0 ay ka gaareen kooxda sevilla taas oo ka dhacday Ramon Sanchez-Pizjuan isbuucaan

Ronaldo Koeman ayaa sharaxay sababta Antoine Griezmann uu kursiga keydka ugu fadhiyay guushii Barcelona ee Sevilla.

Barca ayaa kaalinta labaad ka gashay horyaalka La Liga ka dib markii ay 2-0 ku badiyeen Sabtidii, iyadoo Ousmane Dembele iyo Lionel Messi ay goolal u dhaliyeen kooxda martida aheyd.

Griezmann ma uusan arkin hal daqiiqo oo ficil ah Ramon Sanchez-Pizjuan iyadoo Koeman uu doortay inuu ku sii hayo ninka reer France kursiga keydka, kaasoo uu ku andacooday inuu ahaa go’aan taatiko ah.

Tababaraha kooxda Barca ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta kadib: “Ma jiro wax farriin ah oo u socota Griezmann. Waxaan go’aansanay inaan bedelno nidaamka si aan ugu dhex jirno kooxda waana sababtaas tan aan Dembele u hor dhigno.

Bedelkiisa, waxaan u baahanahay qof ka dhaqso badan Antoine.

Sidee ayuu Griezmann u ciyaaray Barca xilli ciyaareedkan?

Griezmann ayaa hogaaminayay safka kooxda Barcelona intii lagu jiray ololihii 2020-21, kaasoo ilaa iyo haatan ahaa xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Atletico Madrid 2019.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka ayaa kaliya seddex gool ka fog goolashiisii ugu dambeeyay ee 15 gool xilli ciyaareedkii hore, ka dib 35 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan, sidoo kale wuxuu heystaa 10 caawin oo magaciisa ah waan lix ka badan intii uu maamulayay 2019-20.

 

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here