Home Warar Ciyaaraha Maanta Ronald Koeman oo ka hadlay xaalada dhaawac ee ciyaaryahanka Nathan Ake

Ronald Koeman oo ka hadlay xaalada dhaawac ee ciyaaryahanka Nathan Ake

0

Tababaraha xulka qaranka Netherlands, Ronald Koeman, ayaa ka hadlay xaalada dhaawac ee ciyaaryahanka Nathan Ake kadib markii uu xiddigu ku dhaawacmay kulankii uu xulkiisu la ciyaaray xulka Germany.

Garoonka Johan Cruyff Arena ayaa lagu qabtay ciyaarta labada kooxood ee ka tirsan wareega labaad ee tartanka qaramada Yurub.

Ciyaarta ayaa waxaa dhaawac soo gaadhay xiddiga kooxda Man City ee Nathan Ake kaas oo dhaawacu ku qasbay in uu ka boxo ciyaarta.

“Wali waxba lagama oga xaalada Nathan Ake laakiin waxan u malaynayaa in uu yahay dhaawac muruqa ah”ayuu Koemna yidhi.

Man City ayaa ka walaacsan xaalada xiddiga daafaca ka ciyaara kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Man City.

Kooxda Pep Guardiola ayaa sabtida la ciyaari doonta kooxda Brentford kulan ka tirsan premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here