Home Horyaalka Spain Ronaldo koeman oo hadlay xaalada messi.

Ronaldo koeman oo hadlay xaalada messi.

0

Tababaraha Barcelona Ronald Koeman ayaa weli rajo ka qaba in Lionel Messi uu doorbido inuu sii joogo Camp Nou, laakiin kuma kalsoona natiijadaas.

Messi ayaa qandaraaskiisa ka maqnaa dhamaadka xilli ciyaareedka waxaana si xoogan loola xiriiriyay Manchester City iyo Paris Saint-Germain.

33 jirka ayaa doonayay inuu baxo xilli ciyaareedkii hore ka dib markii kooxda ay ku dhameysatay koob la’aan waxaana ay isku dhaceen madaxweynaha markaas Josep Maria Bartomeu.

Messi ayaa ogolaaday inuu sii joogo sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa markii Barca uu diiday dalabkiisa isla markaana uu soo jiitay Koeman, isagoo dhaliyay sagaal gool 10kii kulan ee ugu danbeysay.

Laakiin Koeman kuma qanacsana inuu ku faraxsan yahay Messi xilli ciyaareedkan taasoo keentay inuu sii joogo kooxda muddo dheer.

Koeman ayaa ku yidhi: Waan ku rajo weynahay, haa, arintan maxaa yeelay wali waa ciyaaryahan weyn hadana wali wuxuu ku guuleystaa kulamada adag ee kooxda.

Waxaan ku raaxeysanayaa inaan noqdo macalinkiisa, hadaad u fiirsato tayadiisa maalin walba kulamada tababarka, waa wax cajiib ah.

Dabcan, wuxuu u yimid isagoo cunug yar oo Barcelona ah Hadana wali kuma arko Leo Messi shaati kale oo aan aheyn maaliyada Barca.

Messi ayaa dhaliyay 650 gool oo Barca ah kulankii ay axadii 2-1 kaga badiyeen Athletic Bilbao.

Ciyaarta ka dib Koeman wuxuu sheegay in Barcelona aysan wax badan ka qaban karin la’aanteed Messi madaama ay baahisay El Mundo  in heshiiska kabtankiisa uu saxiixay 2017 uu ka badan yahay 555 milyan euro.

Koeman wuxuu ku faraxsanaa inuu helo shaqada Barcelona ka hor 2020-21 laakiin wuxuu ka tarjumayay sida ay u adag tahay in si dhaqso leh wax looga qabto Messi, kaasoo horey u socday oo ilaa iyo haatan sii socday.

Koeman ayaa intaas raaciyay: “Waxay aheyd waqti adag maxaa yeelay weli waa ciyaaryahanka ugu fiican, laakiin wuxuu ka xanaaqay xaaladaha qaar ee kooxda.

“Kuma uusan faraxsaneyn inuu ku jiray koox 8-2 looga badiyay Bayern Munich wareega quarter-finalka Champions League.

Dabcan wuu xanaaqay wuxuu doonayay inuu ka tago kooxdabMarka hore, waxa aan kooxda ku iri waxay ahayd, ‘ok, dhibkeyga ma ahan. Waa dhibaato udhaxeysa kooxda iyo Leo Messi. Waana inaad xallisaa taas

Ugu dambeyntiina kooxdu ayaa kuu cadaadisay inuu dhameysto heshiiska Waxay ahayd waqti adag oo soo maray Leo barca laakiin ugu dambeyntii wuu aqbalay.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here