Home Horyaalka Ingiriiska Ronaldo, Messi hadana Mbappe Arsene winger oo ka qoomameeyey inuusan Soo qaadan...

Ronaldo, Messi hadana Mbappe Arsene winger oo ka qoomameeyey inuusan Soo qaadan xidigahaan waloow uu ku dhawaaday.

0

Maareeyihii hore ee Gunners Arsene winger ayaa sheegay inuu isku dayay inuu helo seddex ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa adduunka, oo uu qey ka yahay  xiddigga PSG Mbappe wiliba lacag la’aan

Arsene Wenger ayaa sheegay in Arsenal ay la soo wareegi laheyd Kylian Mbappe si xor ah, halka sidoo kale ay isku dayday sidii ay kusoo qaadan leheed Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo balse ma suurto gelin taas.

Mbappe, oo isbuucaan dhaliyay seddexleey cajiib ah iyadoo PSG ay 4-1 ku garaacday kooxda Barcelona ciyaar ka dhacday Camp Nou wareega 16ka Champions League oo eheed lugta hore Mbappe ayaa lala xiriiriyay inuu ku biiri doono xagaagan kooxaha Liverpool iyo Real Madrid kuwaas oo la sheegay inay xiiseynayaan.

Waxay noqon laheyd wax aad u kala duwan si kastaba ha noqotee, iyadoo tababarihii hore ee Arsenal Wenger uu shaaca ka qaaday sida ugu dhow ee kooxdiisii hore ay ugu soo saxiixan karitay Mbappe bilowgii xirfadiisa.

Messi iyo Ronaldo ayaa ka talin jiray kubada cagta adduunka muddo ka badan dhowr iyo toban sano, iyagoo ku guuleystay abaalmarino shaqsiyadeed aan tiro lahayn iyo kooxohiida ay kula guuleysteen koobab waana messi oo waxbadan u qabtay  Barcelona, iyo Ronaldo oo Manchester United, Real Madrid iyo Juventus koobab kula guuleystay.

Wenger ayaa sheegay in Arsenal ay wadahadalo la yeelatay labada nin isagoo cadeeyay sanado badan oo la isla dhexmarayay oo sheegaya in Gunners ay la soo wareegi laheyd labada xidig Messi iyo Ronaldo bilowga shaqadooda.

Wuxuu yiri: Ronaldo aad ayuu ugu dhawaa inuu nagu soo biiro Nasiib xumada noogu dhacday ayaa ahayd in Carlos Queiroz uu ku biiray Man Utd oo ah kaaliyaha tababaraha toddobaad gudihiisna wuxuu ka dhaadhiciyay Sir Alex Ferguson inuu iibsado Ronaldo. Wuxuu ahaa iibsasho wanaagsan waqtigaas.

Waxaan dooneynay inaan sameyno seddexda Messi, Cesc Fabregas iyo Gerard Pique. Iyagu waa jiil 1987 ah oo dhammaantood wada ciyaaray Pique wuxuu ka ciyaaray qadka dhexe waqtigaas ugu dambeyntiina wuxuu go’aansaday inuu aado Man Utd Fabregas ayaa nagu soo biiray Barcelona ayaa xariif ku aheyd inay sii haysato Messi.

Ciyaartoy kale oo Wenger u dhawaa inuu heshiis la galo wuxuu ahaa Jamie Vardy, kaasoo go’aansaday inuu kusii nagaado Leicester ka dib guushii cajiibka aheyd ee Premier League ee 2015-16 ay ku guuleysatay Leicester city horyaalka ingiriiska.

Wenger ayaa yiri: “Waxaan siiyay lacag aad u badan waqtigaas Leicester ayaa waqtigaas ku guuleysatay horyaalnimada 2016, waqtigaas, oo nasiib darro ka dib markii uu ku dhacay shil helikobtar, gabi ahaanba ma uusan dooneynin inuu lumiyo waxayna u soo bandhigeen qandaraas dheer iyo ku dhawaad lacag isku mid ah haddii aysan ahayn. inbadan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here