Ronaldo oo da’yarta Man Utd u xaqiijiyay qorshayaasha suuqa kala iibsiga

Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay saaxiibadiisa Manchester United inuu sii joogi doono xilli ciyaareedka soo socda – waa haddii tababaraha cusub Erik ten Hag uu doonayo.

Xiddiga reer Portugal, oo 37 jir ah, ayaa doonaya inuu arko sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa Old Trafford, inkastoo Red Devils ay ku guuldareysatay inay boos ka hesho Champions League sanadka soo socda.

Ka hor imaatinka tababaraha cusub ee Ten Hag, khabiir United ah ayaa u sheegay The Sun : “Ronaldo wuxuu u sheegay ciyaartoyda inuusan meelna aadi doonin ilaa ay kooxdu sheegto inaysan dooneyn isaga.

“Ma jiro qof isaga uga niyad jabsan sida uu xilli ciyaareedka u soo baxay.

“Laakiin ma doonayo in uu si hoose uga tago waxana uu doonayaa in uu kooxda ka caawiyo in ay ku soo laabato champions League oo uu isku dayo in uu koob ku qaado sanadka dambe.

“Si kastaba ha ahaatee, waxa uu u sheegay haddii tababaraha cusub uu doonayo inuu u socdo jiho ka duwan, markaas ma yeelan doono dareen adag, kamana qoomamaynayo ku soo laabashada Old Trafford.”

Qaar ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee kooxda koowaad, oo uu ku jiro 20-jirka garabka ka ciyaara Anthony Elanga , ayaa quus ka taagan Ronaldo inuu sii joogo sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay wax ka baran karaan isaga.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*