
Weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa fariin u diray taageerayaasha ka dib guushii ay ka gaareen West Ham.
Ronaldo ayaa ku lug lahaa goolka guusha isagoo kubad u dhiibay Edinson Cavani , kaasi oo banaanka u dhigay Marcus Rashford si uu u dhameestiro.
Ronaldo ayaa soo dhigay sawirka ay kooxdu u dabaal dagayso wuxuuna ciwaan uga dhigay: “Hal guul kale oo muhiim ah oo yoolkeena ku gaari karno.
“Waddadu waa ciriiri oo waxaa ka buuxa caqabado, laakiin waxaan u taagannahay si adag oo aan u shaqeyno si aan u ugu faanno taageerayaasheenna!!”
Natiijadu waxay keentay in United ay ka saro marto West Ham inkastoo isbadalo ay dhici karaan maanta Premier League .
Be the first to comment