Ronaldo oo ka hadlay Guusha ay Barcelona ka gaareen iyo Rajada Champions League

Photo/AFP
Qaab ciyaareedka liita ee Barcelona ayaa keentay in Xidiga Cristiano Ronaldo iyo Juventus ay guul ka gaaran kooxda Reer Spain.

Cristiano Ronaldo goolashiisii ugu horreeyay ee Champions League ee uu ka dhaliyo Barcelona wuxuu ka caawiyay Juventus inay 3-0 ku garaacdo meel ka baxsan garoonkeeda kooxda.

Kadib kulanka marka uu soo dhamaaday Xidigaha Reer Purtugal ayaa ka hadlay Wacdaraha ay caawa u geesteen kooxda Barcelona waxana uu sheegay in ay taasi tahay fariintooda Horyaalka.

Waxa uu Ronaldo sheegay in Juventus ay guusha u qalantay marka loo eego Kulanka isagoo intaasi ku daray in Xidigaha kooxda ay dhinac walbo ciyaarayeen.

” Kulankaan waxaan muujinnay awood iyo isku xernaan, haddii aan hab ciyaareedkaan ku sii soconno ma jireyso wax aan ka baqno”

Waxa uu intaas sii raaciyay Ronaldo” saaxibadeeyda aan horay u sii soconno, ina keena , ha noolaato Juve”.

ugu danbeyn ayuu Ronaldo u sheegay warbaahinta in kooxda Juventus ay rajo feecan ka leedahay sidii horyaalka Champions league ay u qaadi laheyd sanadkan.

Barca ayaa martigelin doonta Levante kulan ka tirsan LaLiga Axadda dhanka kale Juve ayaa shaqo sugeysaa Serie A madaama ay booqanayaan Genoa isla maalintaas.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*