Ronaldo oo ka hadlay sida uu u arko in Manchester United lasoo wareegto Weeraryahan Cusub

Xiddiga kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa ku faraxsan haddii ay kooxdiisu la soo wareegto weeraryahan cusub xagaagan.

Portuguese-ka, oo dhaliyay 24 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, ayaa ah weeraryahankii koobaad ee kooxda ee ololaha cusub.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa lala xiriirinayaa weeraryahan, waxaana lala xiriirinayaa xiddigaha Tammy Abraham oo ka tirsan Roma iyo kan Ajax ee Antony.

Sida laga soo xigtay The Express , Ronaldo wax dhibaato ah ma qabo haddii United ay la soo wareegto weeraryahan.

Halyeeyga ayaa ka warqaba in aan la filan karin in uu ku soo bilowdo kulan kasta oo Premier League ah xilli ciyaareedka dambe.

United ayaa sidoo kale ciyaari doonta Europa League, kaasoo u baahan doona isbedel weyn.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*