Home Warar Ciyaaraha Maanta Roy Keane oo ku digtay Arsenal kadib bar-barihii ay kooxdu la gashay...

Roy Keane oo ku digtay Arsenal kadib bar-barihii ay kooxdu la gashay Man City.

0

Halyeeyga Man United ee Roy Keane ayaa ku digtay Arsenal kadib bar-barihii ay kooxdu la gashay Man City.

Arsenal ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Man City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddigii hore ee Man City Micah Richards oo Keane la falan-qaynayay ciyaarta ayaa amaanay difaaca kooxda Arsenal.

“In aad 45 daqiiqo goolkaaga ka difaacato Man City waa wax cajiib ah”ayuu yidhi Micah Richards.

“Markii Gabriel uu yimid Arsenal waxa uu samaynayay khaladaad yar, laakiin waxa uu u bedelay ciyaartiisa mid la isku halayn karo”.

Halyeeyga Manchester United Keane ayaa markaas hadalka ka dhex galay Richards wuxuuna yiri: ‘Laba gool ayaa laga dhaliyay, maxay si fiican u difaacdeen”.

“Laba gool ayaa laga dhaliyay. Wax ma kuu sheegi karaa? Kooxuhu waxay natiijo ku heli karaan toban nin… hore ayay u dhacday”.

“Waxa aan ka dhigaynaa sidii ay Arsenal wax cajiib ah samaysay, Dhegeyso Arsenal si fiican ayey u shaqeysay laakiin Man City runtii aad ayay u liidatay”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here